Hir iyo Hiigsi
Install Now
Hir iyo Hiigsi
Hir iyo Hiigsi

Hir iyo Hiigsi

Hir Aqooneed Iyo Hiigsi Nololeed Waa Qormo Ka Warameysa Arrimo Badan Oo Muhiima

Developer: Soomaal Technology
App Size: Varies With Device
Release Date: May 16, 2020
Price: Free
Price
Free
Size
Varies With Device

Screenshots for App

Mobile
Qormadani waa midhihii hawl muddo dheer qaadatay; waxay ka turjumaysaa baraarujin dhinacyo badan leh. Waxaanay ku curratay dareen horumar jacayl iyo himilo dheer ku salleysan; badheedhihiisuna uu yahay hanaqaadka geedisocod aqooneed oo ku gabagabooba guul, badhaadhe iyo nolol wanaagsan .
Dhiganahani waxa uu astaan ollole u yahay, baahinta salka hore-usocodnimo iyo in cindiga bulshada lagu beero rajo; si looga jiro fudaydsiga iyo inay dalka dillaalaan.

Hadalka ayaa wuxuu ku soo ururayaa dhalinyarta, kuwaas oo ah isha kaliya ee ummadan. Qormadani waa hir aqooneed, oo waxay soo bandhigaysaa arrimo iyo qodobo horreeya oo horumarineed; kuwaasoo ku dayasho iyo ka barashoba mudan. Sidoo kalena waa hiigsi nololeed, oo waxa ku suggan madhaafaan iyo hogatusayaal lagu badhaadho oo in la dhabeeyaa ay haboon tahay, kuwaasoo horkacaaya ifafaaleyaal
loo asteeyay sarreedada bulshooyinka.

Runtii waxaan afeef ka leeyahay, arragtiyo iyo soo jeedimo u gaar ah qoraha, oo ka duulaya wanaag, se laakiin aanay khasab ahayn in la waafaqaa. Qoraha qormada ayaa mas’uul ka ah wax kasta oo khalad ka yimaada. Sidaasoo ay tahay, raaligelin buuxda ayaa waxaan ka bixinaynaa, wixii kasta ee eed’ yeesha; taasoo ah kaliya dhacdo oo aan loo kasin.

Waxaanu ka cuddur daaranaynaa wixii kasta ee la fahmi waayyo. Hawshu si fiican bay ku gunaanadantay; haseyeeshee, intii diyaarinta iyo abbaabulka qormadu ay socotay, ayaa waxaa naga hor yimid caqabado dhowr ah. Ruggo-xogeedyada iyo asalka ama raadraaca umuuraha horumarinta, oo balaadhan awgeedna, waxaanu isku daynay inaanu kuwa ugu tayaysan wax kasoo xigano. Xogta qoran waxaa ka mid ah qeybo xigasho oo toos ah, waxaana weheliya jaantusyo; kuwaasi oo aanu si dhamaystiran uga raaligelinayno dadkii lahaa xuquuqdii lahaanshiyaha, waayo way noo suuro gali wayday inaanu si dhab ah u xaqiijino. Waxaanu se ka duulaynaa yool, oo waxaa halhayskayagu yahay hir aqooneed iyo hiigsi nololeed; halkaana waxaa ah waajib iyo inaanu soo gudbino wixii kasta ee aanu bidno wanaag, cidii kastaa ha yeelato’e, anaga oo dhowrayna lahaanshiyaha.
Show More
Show Less
Hir iyo Hiigsi 5.0 Update
2020-09-28 Version History
Waxaanu Ku Soo Kordhinay Muuqaalka Guud Oo Aanu Woxogaa Wax-KaBadal Ku Sameynay, Ads-na waanu ku soo darnay...

~Soomaal Technology
More Information about: Hir iyo Hiigsi
Price: Free
Version: 5.0
Downloads: 38191
Compatibility: Android 4.1
Bundle Id: som.buug.hir_hiigsi
Size: Varies With Device
Last Update: 2020-09-28
Content Rating: Everyone
Release Date: May 16, 2020
Content Rating: Everyone
Developer: Soomaal Technology


Whatsapp
Vkontakte
Telegram
Reddit
Pinterest
Linkedin
Hide